Qolka somalida nabada

Qolka somalida nabada Welcome to Inta nabada jecel

11/08/2017

Muqaal qurux badan Iyo taariiq kooban oo Loga hadlayo deg.warshiikh 👌love warshiikh

29/04/2017

Al xaaji Muuse suudi yalaxow geesi geesi dhalay in badhan ayaan xaqiiqda kaa sugeynay

Warshiikh shacab u joogsaday hormarinta degaankiisa Iyo maamul u hagar baxay howshii Loo igmaday horomarka muuqdo Iyo Ho...
10/04/2017

Warshiikh shacab u joogsaday hormarinta degaankiisa Iyo maamul u hagar baxay howshii
Loo igmaday horomarka muuqdo Iyo Howsha aan qarsoneyn dadka so qabtay taariikhda xusidoonto i ❤❤❤❤❤❤❤❤❤warshiikh

Xuquuqda sawirada page ka Maamulka Degmada Warsheekh Iyo Mr Cumar Shiikh Qaasim

09/03/2017

Xuquuqdi xamar aan rabnaa

01/03/2017
25/02/2017

Taariiqda moqdisho
Qeybtii 2 '""""""""""""""""

Magacaabida Magaca Muqdisho

Waxaa kaloo Taariikhyahanada isku qilaafeen magaca (Muqdisho) asal ahaan meesha uu kasoo jeedo, waxaa lasheegay in magaalada markeedi hore la dhihi jiray (Xamar) iyo magacyo kale oo lamid ah sida (Xamar weyne)xamar jab jab (Xamar Cade),xamar iyo xamar daye waxaa macquul ah in magacyadaas dhamaan magaalada loogu yeeri jiray waqtiyo kala duwan aay magaalada qadiimka ah aay soo martay, sida isbedelada xaga qaabka dhismaha , degaanka iyo Siyaasaddaba Qaar kamid ah taariikhyahanada ayaa waxey cadeeyeen magaca (XAMAR ) uu horeeyay , laakinse hadana waxaa aay isku qilaafeen micnahaXamar , oo ah magac bulshadu aad u taqaan weliba dhanka suugaanta iyo maah maahyada , Soomaalida ilaa iyo waqtigaan aan ku jirno wey adeegsadaan magacaXamar.

Micnaha Xamar carabi ahaan waa (Alxamraa), qaar kale neh waxey ku macneeyeen oo sheegeen inaay ka timid kalmada Ximyar oo aheyd dowlad Islaamka ka hor xukumi jirtayyemen , Dawladdaas waxey gacanta ku haaysay ganacsiga xeebaha bariga Afrika oo kamid ah magaalada Muqdisho.

qariirada muqidhso ee Soomaaliya

Magacaabida magaalada Muqdisho waxaa lasheegaa in magacaas asal ahaan uu yimid kalimada Maqcad Shaah oo loola jeedo kursiga Boqorka ama micnaha kale meesha ku jira (meesha ugu wanaagsan ee boqorka fadhiisto ama xarun ka dhigto), sida lasheegay Muqdisho waxaa qarnigii 6aad ee hijriyada xukumi jiray faarisiyiinta marka soomaalida wey kari waayeen ku dhawaaqida (Maqcad Shaah) waxeyna u bedeleen magaca hada (Muqdisho) kalmada waa laba erey kala duwan ereyga Maqcad waa carabi ereyga labaad shaah waa faarisi oo loola jeedo boqor. maka taas maloo macneyn karo in magaalada aasaasideedi dadka faarisiyiinta aay qeyb ku lahaayeen , maxaa yeelay ereyada faarisiga aad ayaa looga isticmaali jiray magaalooyinka carabta iyo xeebaha soomaaliya waqti aad u fog Waxaa aay badi taariikhyahanada qireen in magaalada Muqdisho uu Islaamka soo gaaray inta aay magaaladaas soo shaac bixin, waxeyna soo soo shaac baxday baxday markii aay dadka magaalada dhamaan diinta Islaamka aay wada galeen oo aay noqdeen dad aad looga yaqaanp gobolka, taas oo keentay in dhamaan xeebaha Afika bari oo ka kooban (Zinjibaar, Somaaliya, Jabuuti) loogu yeero Muqdisho Magaalada Muqdisho markii aay dadkeedi Islaamka galeen markaas oo aheyd qarnigii 1aad ee Hijriga, waxey noqotay darbiyadii adkaa ee difaacay Islaamka Afrika.somalia byyyyyyyy

Qaar kamid ah taariikhyahanada waxey sheegeen in dadka asal ahaan u dhashay magaalada Muqdisho aay ahaayeen dad aay ku badan yihiin Culimada iyo raga diinta lagu yaqaan kuwaas oo horsed ka ahaa dhaqdhaaaqyadii fidinka diinta Islaamka ee Soomaaliya isla markaana dowr weyn kasoo qaatay in aay diinta Islaamka ku fido bariga , bartamaha iyo koonfurta Afrika, dadkaas firkoodi ilaa iyo waqtigaan waxey kunool yihiin magaalada Muqdisho ee qadiimka ah

Taariiqda moqdisho Qeybtii 1 ''''''''''''''''''''''''''Muqdisho (Af-Taliyaani : Mogadiscio, Carabi: مقديشو, Xamar, Carab...
25/02/2017

Taariiqda moqdisho
Qeybtii 1 ''''''''''''''''''''''''''
Muqdisho (Af-Taliyaani : Mogadiscio, Carabi: مقديشو, Xamar, Carabi: حَمَر) waa caasimada Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya, waxa ayna ku taalaa galbeedka Badweynta Hindiya, waa magaalo qurux badan oo indhuhu soo jiitaan, oo aay badweynta Hindiya kaga wareegsan tahay sadax jiho.

Waxaa magaalada Muqdisho dhidibada loo aasay waqti aad u fog oo aay taariikhyahanada isku qilaafeen in magaaladani la aas'aasay qarnigii 2aad ama kii 3aad ee taariikhda miilaadiga.

Muqdisho waxey ahaan jirtay xarun ganacsiiyo marin kala qeybiya Hindiya iyo Yurub (inta aan la qodin Kanaalka Suwees) iyo jaziirada carabta iyo xeebta Afrikada bari Magaalada Muqdisho waxey ka koobnaan jirtay 6 xaafadood ama tuulo oo aay deganaayeen qabaail, xaafad kasto waxaa xukumi jiray Sheekh, xaafadaha waxey lahaayeen golaha odayaasha sida qaabka federaalka ah oo kulmiya dhamaan xaafadahaas loogana tashan jiray arimaha magaalada Qarnigii 4aad ee miilaadiga magaalada Muqdisho isku badashay nidaam ama maamul u eg saldanad.

Address

Cape Town
0027

Telephone

0623053507

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qolka somalida nabada posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share