02/06/2026
ππππππ¨π₯ππ π’ππ’ππππ π‘ππππππππ π§π’ππ’ππππ π«ππππππ’π’π ππ DEGMADA GALKACYO.
Urururka Horumarinta Arimaha Bukshda ee Iftiin Development Organization ayaa Maanta 01 June 2026 qayb weyn kaqaatay Furitaanta iyo oloha Nafaada Todobaadka Ee
Duqa Degmada Gaalkacyo, Xuseen Cabdinuur Maxamed, ayaa saaka si rasmi ah u daahfuray olole ballaaran oo nadaafadeed, isla markaana si joogto ah looga fulin doono dhammaan toddobada xaafadood ee magaalada Gaalkacyo.
Ololahan nadaafadeed ayaa socon doona in mudo ah, waxaana looga golleeyahay kor u qaadista bilicda, nadaafadda iyo Horumarinta magaalada, iyadoo hawlaha nadaafadda laga hirgelin doono laamaha kala duwan ee xaafadaha Magaalada si loo helo magaalo nadiif ah oo qurux badan.
Munaasabadda daahfurka ololaha ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Maxamed Ciise Xuseen, Xoghayaha Dowladda Hoose Shaafici Cawil, Agaasimayaasha Waaxyaha Dowladda Hoose, Xildhibaannada Golaha Deegaanka, Maamulka Xaafadaha, Ururrada Dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Masβuuliyiintii iyo bulshada ka qayb-gashay munaasabadda ayaa soo dhaweeyay ololahan.
Bahda Iftiin Development Organization
Waxaa ka go.ay horumarinta Arimaha Bulshada.
Xafiiska warbaahinta
Urururka Horaminrinta Bulshada Ee Ifttin Development Organization.