24/04/2026
Waxaan si weyn ugu faraxsanahay ka qaybgalka munaasabaddan qiimaha leh ee ay soo qabanqaabisay Safaaradda Itoobiya ee Turkiga. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa wafdiga Qiimaha badan DDS Mudane Ahmed Rashid Wasirka maalgashiga iyo Warshadaha
Mudane ABDIRIZAK sh.A.rahman Zayid kuxigeenka wasiirka madaxtooyada
Mudane Mahamoud Tayib senior advisor of the president.
iyo dhamaan ka qaybgalayaasha qiimaha leh ee dalwaynaha Ethıopia
Arrimaha laga wada hadlay intii kulanku socday, oo ay ku jiraan fursadaha maalgashi, xiriirka ganacsiga, ka qaybgalka qurba-joogta, iyo dhiirrigelinta maalgashiga ee Itoobiya, waxay ahaayeen kuwo aad noo qiimo badan oo waxtar leh.
Annaga oo ah shirkad ka Harawo shaqeysa saadka/gaadiidka (logistics/kargo), waxaan higsaneynaa inaan noqono buundo adag oo isku xirta ganacsiga u dhexeeya Turkiga iyo Itoobiya. Waxaan ka go’an tahay inaan bixino xalal kor u qaadaya mugga ganacsiga, dedejiya silsiladda sahayda, isla markaana fududeeya hababka ganacsi.
Waxaan aaminsanahay in madalladan wax-ku-oolka ah ay sii xoojinayaan iskaashiga, waxaana rajeyneynaa inaan si firfircoon uga qayb qaadanno mashaariicda mustaqbalka.
Mar kale waxaan uga mahadcelineynaa qabanqaabada munaasabaddan qiimaha leh.
Ma.fentaye. Madaxa qonsiliyada iyo arimaha qurbajoogta ee safaarada itoobiya Turkiga .
Mr Abdifatah Saleiman madaxa Waaxda xidhiidh ka dadwaynaha .