02/11/2025
WAXAAN KA TACSIYAYNAYAA GEERIDA XANUUNKA LEH EE KU TIMID BARAFASOOR CIISE MAXAMED SIYAAD
Madhinte waa Ilaahay, geeriduna waa xaq, in kasta oo ay kala xanuun iyo damaq badantahay. Alle ha u naxariisto Barafasoor Ciise Maxamed Siyaad oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Barafasoor Ciise Maxamed Siyaad oo dhashay horraantii 1940meeyadii wuxuu ahaa ruugcaddaa ku caanbaxay cilmibaarista af Soomaaliga, isaga oon noloshiisa oo dhanna u huray. Wuxuu ahaa bara sare iyo xeeldheere ku takhasusay cilmi-afeedka qeybihiisa kala geddisan, si gaar ah kasmooyinka la xiriira suugaanta iyo naxwaha af Soomaaliga.
Barafasoorka ayaa ahaa qoraa qalinkiisu sheeggan yahay, isla markaasna gudbinta aqoonta ku dhiirran. Wuxuu ahaa macallin waxsheegga ku san oo aysan ardadiisu sina uga xiisa go’i jirin sharraxaaddiisa ay aftahamadu weheliso; wuxuuna ka mid ahaa hormuudkii abaqaalay ee buddhigga u ahaa cilmibaarista af Soomaaliga. Wuxuu noloshiisa intii badnayd u hibeeyay gardaadinta iyo gaasabixinta da’yarta Soomaaliyeed, isaga oo aan maalinna ka hakan.
Waxaa Barafasoor Ciise lagu xusuusan doonaa waxsoosaarkiisa aqooneed iyo mashaariicdii uu qeybta ka ahaa, sida buugga Eraybixinta Cilmi-afeedka Af Soomaaliga oo sees u ah fahanka culuunta afka la xiriirta, kaas oo uu qoray 1980meeyadii.
Sidoo kale, wuxuu cilmibaaris dhif ah, isla markaasna ugub ah, ku sameeyay dhaqanka ugaarsatada, sooyaalkooda, habdhaqankooda iyo habnololeedkooda, intaba.
Dhinaca kale, Barafasoor Ciise Maxamed Siyaad ayaa muddo dheer garwadeen ka ahaa Mashruucii Daraasaadka Soomaalida (Studio Somalo) oo ay iska kaashanayeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), kaas oo, qeyb ahaan, uu ujeedkiisu ahaa horumarinta iyo cilmiyaynta af Soomaaliga. Qaamuuska Af Soomaali-Talyaani oo ka mid ahaa mirihii mashruucaas ayuu sidoo kale Barafasoor Ciise foolaad u ahaa khubarradii diyaarisay.
Ugu danbayntii, marxuumka oo ahaa aqoonyahan iyo xeeldheere afeed wuxuu ku suntanaa, kuna suntanaan doonaa inta dad aqoonta qiimeeyaa uumanyihiin, hal-buur tilmaaman iyo hodantinimo dhaqameed.
Ilaahay ha u naxariisto, denbigiisa ha dhaafo, hana ku sooro jannatu Firdowsa. Aamiin.
Abshir Maxamed Axmad
Wasiir dowlaha Madaxtooyada JFS