Egal International Airport

Egal International Airport Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Egal International Airport, Airport, Hargeisa.

Hargeisa International Airport (EGAL) is an international airport and main hub in the horn of of Africa, located Hargeisa the capital of the Republic of Somaliland

13/11/2025

Wasiirka Wasaarada Duulista Iyo Hormarinta Madaarada JSL Mudane ๐…๐ฎ๐š๐ ๐€๐ก๐ฆ๐ž๐ ๐๐ฎ๐ก ayaa Hogaamiyay Kulan ka qabsoomey Xarunta Guud ee Wasaarada, ka dib markey wadanka Soo gaadheen masuuliyiin ka Socdey shirkada Maharat International Investment, Shirkadaas Oo Maalgalinaysa Dib U dhiska iyo Casriyaynta Madaarka Cigaal.
Kulanku Wuxuu daarnaa Qorshaynta Bilaabida Wajiga Koowaad ee Mshruuca Dib U dhiska Iyo Casriyaynta Madaarka.
Egal International Airport

07/11/2025

Madaxweynaha JSL Mudane ๐€๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ก๐ฆ๐š๐ง ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐€๐›๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐ก๐ข " ๐‚๐ข๐ซ๐ซ๐จ "
ayaa Maalinta Bari ah oo Ku Beegan ๐ŸŽ๐Ÿ– ๐๐จ๐ฏ๐ž๐ฆ๐›๐ž๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“, Xadhigga Ka Jari Doona Terminal Cusub Oo lagu Soo kordhiyay Madaarka Caalamiga ah Ee Cigaal, iyo Dib U habayn iyo Casriyayn lagu Sameeyay Xarunta Guud Ee Wasaarada Duulista Iyo Hormarinta madaarada JSL.

๐’๐Ž๐Ž ๐ƒ๐‡๐€๐–๐Ž๐Ž๐– ๐Œ๐€๐ƒ๐€๐—๐–๐€๐˜๐๐„

Ciidnaka Booliska Jsl oo sheegay in la hayo eedaysanayaal u xidhan kiiska dahab laga xaday Dhiban Sakhiya Ibraahim"Talis...
23/09/2025

Ciidnaka Booliska Jsl oo sheegay in la hayo eedaysanayaal u xidhan kiiska dahab laga xaday Dhiban Sakhiya Ibraahim

"Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland la socodsiinayaa in kiiska Dahabka laga dhacay Dhibban Sakhiya Ibraahim uu gacanta ku hayo Ciidanka Booliska JSL, gaar ahaan Hogaanka Baadhista Dambiyada ee (C.I.D).
Waxaana wada shaqayn wanaagsan kala sameeyey Hayโ€™adaha Dawladda ee khusayso arrintani sida Ciidanka Socdaalka iyo Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradaha JSL.

Waxaa gacanta lagu hayaa eedeysanayaal u xidhan dhacdadaasi, iyadoo baadhitaanku weli socdo. Sidaas darteed, waxaannu bulshada ka codsanaynaa in aan laga hordhicin natiijada baadhista , lana sugo warka rasmiga ah ee Ciidanka Booliska JSL.

Ciidanku iyagoo garab taagan hooyada dhibbanta ah, gudanaayana waajibaadkooda sharciga ah, waxay sameeyeen dadaal adag. Waxaanan hooyada ka codsanaynaa in ay si toos ah ula socoto hab-socodka baadhitaanka ee ka socda Xarunta Hogaanka Baadhista Dambiyada (C.I.D).

16/09/2025

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda Mudane Fuaad Axmed Nuux ayaa la saxeexday Shirkadda Maalgashiga Caalamiga ah ee International Maharat Investment, Heshiiska Dhismaha iyo Casriyaynta Madaarka Caasimadda Hargeysa ee Egal International Airport.

Heshiiska dhismaha Madaarka oo ku kacaya qiime dhan $70 MN Toddobaatan Milyan oo Dollar ayaa maanta lagu saxeexay Xarunta dhaqaalaha caalamiga ah ee Dubai (Dubai International Financial Center - DIFC).

Mashruucan ayaa noqonaya maalgalintii ugu balaadhnayd ee lagu sameeyo Kaabayaasha Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland iyo mashruuca labaad ee ugu wayn maalgalin dibadeed DP World kadib, waxaana shaqada Dhismaha Madaarku bilaabmi doontaa 6 Billood gudahood marka la saxeexo Heshiiska.

11/09/2025

๐ŸŽ™๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜†๐˜€๐—ถ

Diyaaradaha ka hawl-gala Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland Rakaabka ay soo qaadaan waxa lagu maamulayaa Shuruucda Socdaalka ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha ee JSL.

Waraysi BBC Somali Service la yeelatay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL

10/09/2025

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhaqan-galisay Siyaasadda Dal-ku-galka Furan (Visa On Arrival Policy)

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu caddeeyay in la sii xoojiyey Siyaasadda dal-ku-galka furan, taasi oo u sahlaysa dhammaan dadka u safraya Somaliland inay dal-ku-galka ka qaataan Madaarka Cigaal ee Hargeysa iyo Madaaradda kale ee Somaliland.

Siyaasaddan waxay Xukuumaddu uga dan leedahay fududaynta Safarrada ganacsiga, dalxiiska, arrimaha Binaโ€™aadamnimada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu caddeeyay inaan Somaliland lagu soo geli karin Visa ama Oggolaansho Dal-ku-gal oo ka soo baxay meel ka baxsan Hayโ€™addaha Socdaalka ee JSL.

Ugu dambayntii Dhammaan Shirkaddaha Diyaaradaha ee ka hawl-gala Somaliland waxa la faray inay siyaasaddan la wadaagaan dhamaan xafiisyadooda (Stations) iyo Rakaabka soo raacaya.

Allaa Mahad Leh,

Fuad Ahmed Nuh
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Maadaaradda JSL
Hargeysa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Abdirashid Abd...
09/08/2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Abdirashid Abdi Jama. ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyay Maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal gaadiidka basaska oo cusub.

Gaadiidkan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo howlaha maalinlaha ah ee madaarka, kor loogu qaado tayada adeega shaqaalaha, iyo in la adkeeyo amniga iyo hufnaanta shaqada.

Tallaabadani waxay ka mid tahay qorshayaasha horumarineed ee Wasaaradda, kuwaas oo diiradda lagu saarayo in madaarrada dalka lagu qalabeeyo agab casri ah oo taageera hawlgalka iyo adeeg bixinta.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda Fuaad Axmed Nuux ayaa Shirkii Golaha Wasiiradda ee qabsoo...
06/08/2025

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda Fuaad Axmed Nuux ayaa Shirkii Golaha Wasiiradda ee qabsoomay maanta ku soo bandhigay Waxqabadka Wasaaradda Duulista ee 6dii Billood ee ugu horreeyay sannadka 2025.

Wasiirka ayaa sharaxaad ka bixiyay hawl-qabadyada qabsoomay muddadaasi 6da billood ah oo ay ugu mudnaayeen:
1. Dib-u-habaynta Qaab-dhismeedka Maamul, Shuruucda iyo Siyaasaddaha Wasaaradda, iyada oo la soo kordhiyay 4 Waaxood oo muhiim u ah hirgalinta Qorshaha Horumarinta Wasaaradda.

2. โ Diyaarinta Hagayaasha Duulimaadyada (Aviation Manuals) oo la waafajiyay Miqiyaasyada Caalamiga ah (ICAO Standardization Annexes) oo ka kooban 15 Manuals/SOPs.

3. โ Diyaarinta Regulation-ka Ilaalinta Macmiilka (Consumer Protection Regulation) kaasi oo lagu ilaalin doono xuquuqaha Rakaabku ku leeyahay Adeeg-bixiyaha.

4. Dhismaha Terminal-ka 2aad ee Madaarka Hargeysa oo dhawaan la furi doono.

5. Tababarada Shaqaalaha Wasaaradda iyo Madaaradda oo la siiyay 8 Tababar oo kala duwan.

6. Dib-u-dhiska iyo Qalabaynta Xarunta Xafiisyada Wasaaradda iyo Madaaradda.

7. Kor u qaadista Gaadiidka Madaarka Hargeysa oo lagu xoojiyay 4 gaadhi oo cusub oo lagu qaadi doono Shaqaalaha Madaarka, iyada oo h**e Madaarku u isticmaali jiray Gaadiid kiro ah.

8. โ Kor u qaadista gunnooyinka shaqaalaha Madaaradda/Wasaaradda iyo wanaajinta duruufaha shaqada ee shaqaaluhu ku shaqeeyaan.

9. โ Diyaarinta Naqshada iyo Qorshaha Dib-u-habaynta iyo Dhismaha Madaarka Caasimadda Hargeysa.

10. Waxa la dhammaystiray System Rakaabka u suurto-galinaya inay feedback ka bixiyaan adeegyada Madaarka wakhtiga ay ka dhoofayaan/ ka soo dagayaan (Feedback Application).

11. โ Diyaarinta Bar-kulanka Xirfadlayaasha Duulimaadyada iyo Madaaradda (Aviation and Airports Expertise Forum) oo noqon doona Gole kulmiya- xirfadlayaasha Reer Somaliland ee aqoonta u leh Xirfadaha kala duwan ee Aviation-ka.

Ugu dambayntii Wasiirku waxa uu sheegay inuu la wadaagay Hayโ€™adda Qaramada Midoobay ee Maamulka Hawada iyo Duulimaadyada ee ICAO Mawqifka Jamhuuriyadda Somaliland ee Arrimaha Hawada, isla markaana uu la socodsiiyay Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, Midawga Yurub, Dalada ay ku midaysan yihiin Gaadiidka Cirka iyo Duulimaadyadu ee IATA iyo Dowladdaha Maraykanka, Ingiriiska, Canada, Emirate-ka, Ethiopia iyo Taiwan, iyada oo Wasaaraddu u cadaysay inay awood buuxda u leedahay Maamulka Hawadeeda una madaxbannaan tahay.

17/05/2025

๐ƒ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐†๐š๐ซ๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ข๐ฆ๐š๐๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ž๐ž ๐Ÿ๐Ÿ–-๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฒ.

08/05/2025
Salaasa, 22 April 2025 โ€“ HargeysaAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada, Mudane Abdira...
22/04/2025

Salaasa, 22 April 2025 โ€“ Hargeysa

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada, Mudane Abdirashid Abdi Jama, ayaa maanta furay tababar ku saabsan Badbaadada iyo Amniga (Safety and Security) oo loo qabtay Shaqaalaha Qaybta Bad-baadada iyo Amniga ee Madaarka Cigaal, gaar ahaan Waaxda Gurmadka Degdegga ah (ARFF โ€“ Aircraft Rescue and Fire Fighting).

Tababarkan oo diiradda lagu saarayo kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha ka shaqeeya dab-damiska, ayaa ah mid qayb ka ah dadaallada Wasaaraddu ugu jirto tayeynta adeegyada badbaadada ee madaarrada dalka, si loo hubiyo in ay la jaanqaadaan heerarka caalamiga ah ee amniga duulista hawada.

Agaasimaha Guud ayaa ku dhiirrigeliyay hawl-wadeenada in ay si buuxda uga faaโ€™iidaystaan tababarkan, isagoo xusay in doorka ay ka qaataan sugidda badbaadada duulimaadyadu uu yahay mid tiir-dhexaad u ah shaqada Madaarka Cigaal ee Hargeysa.

07/04/2025

Maamulaha Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal Mudane Ahmed Mohamed Arab.
Ayaa ku wareejiyay mamo Xaliimo Wacays qadar lacag ah Oo Dhan $2,070.
Maamada Oo lacagta kaga tagtey madaarka Cigaal Taariikhdu markey ahayd 04.April.2025, baadhitaan ka dib Waxaa la soo heley Xogteeda laguna Wareejiyay lacagteedii Oo dhamaystiran.
Maamo Xaliimo ayaa U mahad Celisey Maamulka Iyo Shaqaalaha Madaarka Cigaal Sida Xil-Kasnimada iyo Daacadnimada leh ee ay U Xifdiyeen Alaabteedaa.

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Egal International Airport posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Egal International Airport:

Share

Category