18/10/2025
Baaq Ku Aadan Dagaalka Ka Socda Tuulada Mareerey Ee Gobalka Shabeellada Dhexe.
Dr. Abdulkadir Mudey Abdi oo ku nool dalka Norwey ayaa soo saarey baaq uu ku cambaareynayo dagaalka gardarada ah ee ka socda Tuulada Mareerey ee gobalka Shabeellada dhexe gaar ahaan deegaanada hoos taga degmada Jowhar.
"Waxaan cambaareynayaa dagaalka ku saleysan dhul boobka ee la rabo in lagu xalaaleysto dhul beereedka beelaha lixda Shiidle"
Dr. Abdulkadir Mudey waxa uu intaa ku darey in dagaalkaasi uu hogaanka u haayo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guud Laawe si uu dhulkaas u soo dajiyo dad ay isku hayb yihiin isaga oo intaa raaciyey in waxa ka socda Shabeellada dhexe ay tahay hayb sooc lagu boobayo dhulka lixda Shiidle taas oo uu sheegey in ay tahay wax aan loo dul qaadan karin.
Dr. Mudey ayaa xaqiijiyey in ay halkaa ka jirto caburin iyo cago jugleyn lagu hayo odayaal iyo wax garad ka tirsan lixda Shiidle isla markaana ay jiraan dad wakhtigan xaadirka lagu soo xirey saldhiga degmada Jowhar, si dhulkooda xoog loogu qaato.
Ugu dambeyn Dr. Abdulkadir Mudey ayaa cod dheer kaga codsadey dawlada dhexe in ay soo fara geliso sidoo kalena ay soo saarto baaq nabadeed oo lagu joojinayo dagaalka iyo dhul boobka gardarada ah ee dadkaas lagu hayo.